Dhaawac Laba qarax oo train-ka dhulka hoostiisa mara ee Moscow lagu weeraray ayay ku dhinteen 37 ruux. Duqa magaalada Moscow ayaa sheegay in dadka is qarxiyay ay ahaayeen laba haween ah oo midba meel isku qarxisay. Labada qaraxba waxay ka dheceen isku line train. Georgi Kapchits oo ka tirsan Radio Moscow, ayaa Bartan u sheegay in ay magaaladu weli argagaxsan tahay. Georgi Kapchits
Trainka dhulka hoostiisa mara ee Moscow, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid ka mid ah kuwa adduunka ugu casirisan. Waxaa magaalada hoosteeda mara 12 line ama jid oo train, kuwaas oo dhammaantood dhex mara bartamaha magaalada. Dhererkooda marka la isku wada daro jidadkaa trainku waxay gaarayaan 300 oo km. isu geyn waxay leeyihiin 180 station ama maxaddad laga raaco loogana dego. Isugeyn waxaa maalin kasta raaca dad ay tiradoodu dhan tahay 7 milyan oo ruux. Labada station ee maanta la qarxiyay waxay labaduba ku yaallaan isku line, kaas oo ah line-ka ugu da'da weyn trainka dhulka hoostiisa mara ee Moscow.