Четверг, 25.04.2024, 23:37

 

I L A A L I Y E

URURKA  CALAMIGA  AH  EE  XUQUUQDA  AADAMAHA
ГлавнаяРегистрацияВход
Приветствую Вас, Гость · RSS
Меню сайта
Наш опрос
Оцените мой сайт
Всего ответов: 3
 
Главная » 2010 » Март » 29 » Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo wax laga xumaado ku tilmaamay dil xalay deegaanka Lafoole loogu geystay nin xubin ka ahaa golahaasi
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo wax laga xumaado ku tilmaamay dil xalay deegaanka Lafoole loogu geystay nin xubin ka ahaa golahaasi
11:56
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo wax laga xumaado ku tilmaamay dil xalay deegaanka Lafoole loogu geystay nin xubin ka ahaa golahaasi.
Posted: 3/29/2010 11:41:00 AM
Shabelle: MUQDISHO

Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dil xalay deegaanka Lafoole ee gobolka Sh/hoose loogu geystay masuul ka tirsanaa golagaasi.

 

Gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad oo Shabelle u waramayay saakay ayaa waxaa uu sheegay in xalay rag hubaysan ay dileen Cabdi Max’ed Jimcaale oo ka mid ahaa hormuudka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye xili uu ku sugnaa deegaanka Lafoole ee gobolka Sh/hoose.

 

Waxaa uu sheegay gudoomiyihu in marxuumkaasi ay dishay gacan ka gardaran isagoo intaasi ku daray in arinkaani uu qeyb ka yahay falalkii mudooyinkii ugu dambeeyay lagu dilayay dadka waxgaradka ah.

 

Max’ed Xasan Xaad waxaa uu tacsi hawada u marayiyay dhamaan eheladii uu ka geeriyooday Masuulkaasi ka tirsanaa golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye.

 

Ugu danbeyntii gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha hawiye waxaa uu sheegay in arinkaasi uu yahay mid aan loo baahneyn islamarkaana dhibaateynaya shacbiga Soomaaliyeed maadaama sida uu hadalka u dhigay la ugaarsanayo dadka muhiimka u ah bulshad Soomaaliyeed.

Просмотров: 1003 | Добавил: ilaaliye | Рейтинг: 0.0/0 |
Всего комментариев: 0
Бесплатный конструктор сайтов - uCoz
Календарь новостей
«  Март 2010  »
ПнВтСрЧтПтСбВс
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031
Форма входа
Поиск
Друзья сайта
Статистика

Онлайн всего: 1
Гостей: 1
Пользователей: 0