Ciidamada
dawladda kmg ah ee soomaaliya ayaa maanta hawlgal ay ka sameyeen
degmada X/Jajab ee gobolka banadir ku soo qabqabtey dad ay ku soo
eedeyeen inay ka dambeyeen qaraxii shalay lagu dilay gudoomiyihi
degmadda X/jajab ee dawlada kmg ah.
Hawlgal ay maanta sameyeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada kmg ah
ayaa lagu soo qabqabtey dad tiradooda lagu sheegey 12 ruux kuwaasi oo
lagu sheegey inay ka dambeyeen qaraxii shalay lala beegsadey saraakil
ka tirsanaa dawlada kmg ah ee soomaaliya oo ay qaarkood ku nafwaayeen
qaraxaasi.
Masuul ka tirsan dawlada kmg ah ayaa sheegey inay dadkaasi soo
qabqabteen isla markaasna ay lagu soo eedeyey inay lugu ku lahayen
qaraxii shalay lagu diley gudoomiyihiin degmada X/jajab ee dawlada Kmg
ah Shiikh Axmed Qoorleex halka uu dhaawac ka soo gaarey qaar kale oo
badan.
Qaraxan shalay ayaa ahaa mid xoogan isla markaasna dhulka la
galiyey,waxaana lala beegsadey gaari ay saarnayeen masuuliyiin dawlada
kmg ah ka tirsan oo uu ka mid ahaa Axmed Qoorleex oo isagu ku nafwaayey
qaraxaasi,waxaana dhaawacyo soo gareen saraakil kale oo ka tirsanaa
hay'adaha kala duwan ee dawlada kmg ah ee soomaaliya.
Qaraxa shalay waxaa sheegtey inay ka dambeyeen Xarakada Alshabab oo
dagaal adag kula jirta dawlada kmg ah ee soomaaliya & Ciidamada
Amisom ee garabka siinaya,waxaana ay Alshabab sheegteen inay ayagu
fuliyeen qaraxaasi iyagoo raaciyey inay sii wadi doonaan qaraxyada ay
la beegsanayaan masuuliyiinta dawlada kmg ah.
Si kastey ahaataba,waxaa lagu wadaa dadkan ay maanta soo qabqabteen
ciidamada dawladu in maalmaha soo socda maxkamad lagu soo taago
magaalada Muqdisho,iyadoo ay saraakiil ka tirsan ciidamada dawladu
sheegeen inay dadkan qaarkood yihiin dambiileyaal iyadoo aan wax
maxkamad ah wali la taagin.
Ahmed Aadam Gacal
Muqdisho-Gedo-News
Gedonet.com@gmail.com