Среда, 08.05.2024, 09:43

 

I L A A L I Y E

URURKA  CALAMIGA  AH  EE  XUQUUQDA  AADAMAHA
ГлавнаяРегистрацияВход
Приветствую Вас, Гость · RSS
Меню сайта
Наш опрос
Оцените мой сайт
Всего ответов: 3
 
Главная » 2008 » Ноябрь » 11 » Sarkaal Save Children oo la sii daayay
Sarkaal Save Children oo la sii daayay
00:27
Sarkaal Save Children oo la sii daayay
Warbixinta soo deynta
Xoogaga Islaamiyiinta ee ka howlgala gobolka Hiiraan, ayaa soo badbaadiyay sarkaalkii u shaqeynayay hey'adda Save The Children Maxamed Macallin Cismaan.

 

Maxamed Macallin oo isla markaana ahaa guddoomiyaha guddiga waxbarashada gobolka Hiiraan, ayaa kooxo hubaysan ay shalay ka afduubeen deegaanka Buq-Aqable ee gobolkaas.

Sarkaalka ayaa xilliga la afduubay waxa uu ka wada deegaankaasi, mashruuc dhinaca waxbarashada dadka reer miyiga ah, oo ay waday hey'adda Save the Children.

9 dhalinyaro ah oo lagu eedaynayo in ay afduubka ka dambeeyaan, ayaa wararku sheegaya in gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo la sheegay in lagu qaadayo xukunka shareecada Islaamka.

Lama oga ujeeddada afduubka, oo sidoo kale dableydu ay ku kaxaysteen gaari ay lahayd hey'adda.

Просмотров: 987 | Добавил: ilaaliye | Рейтинг: 0.0/0 |
Всего комментариев: 0
Бесплатный конструктор сайтов - uCoz
Календарь новостей
«  Ноябрь 2008  »
ПнВтСрЧтПтСбВс
     12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
Форма входа
Поиск
Друзья сайта
Статистика

Онлайн всего: 1
Гостей: 1
Пользователей: 0