Toogashada Texas
|
|
Nidal Malik Hasan |
Madaxwaynaha Maraykanka, Barack Obama, ayaa ku dhiirigaliyay dadwaynaha Maraykanka in aysan ku degdegin go'aan in ay iska
gaaraan ujeedka uu lahaa sarkaalka dilay 13-ka askari.
Waxaa socda baaritaan ku saabsan sababta uu sarkaallka ka tirsanaa military-ga Maraykanka u toogta 13-ka xerada Fort Hood
ee gobolka Texas, Khamiistii.
Major Nidal Malik Hasan ayaa la sheegay in uu ku sugan yahay xaalad xasiloon kadib markii la dhaawacmay.
Warar ayaa sheegaya in Major Hasan, oo ah nin Muslim ah oo ka soo jeeda Falastiin la damacsanaa in dhowaan loo diro Afghanistan,
iyadoo uu muujiyay sida uu uga soo horjeedo howlgalka military ee halkaas ka socda.
Saaxiibadii, ayaa sidoo kale sheegay in uusan ku faraxsanayn xadgudubyo cunsurinimo ah oo uu la sheegay in uu la kulmay
|