Понедельник, 29.04.2024, 07:44

 

I L A A L I Y E

URURKA  CALAMIGA  AH  EE  XUQUUQDA  AADAMAHA
ГлавнаяРегистрацияВход
Приветствую Вас, Гость · RSS
Меню сайта
Наш опрос
Оцените мой сайт
Всего ответов: 3
 
Главная » 2010 » Март » 29 » Ciidamada Dawlada Oo Maanta Degmada X/Jajab Ka Soo Qabqabtey Dad Ay Ku Eedeyeen Qaraxi Shalay Ka Dhacay..........
Ciidamada Dawlada Oo Maanta Degmada X/Jajab Ka Soo Qabqabtey Dad Ay Ku Eedeyeen Qaraxi Shalay Ka Dhacay..........
12:01

Ciidamada Dawlada Oo Maanta Degmada X/Jajab Ka Soo Qabqabtey Dad Ay Ku Eedeyeen Qaraxi Shalay Ka Dhacay..........

Mar 28,2010  by Muqdisho-Gedo-News

 Ciidamada dawladda kmg ah ee soomaaliya ayaa maanta hawlgal ay ka sameyeen degmada X/Jajab ee gobolka banadir ku soo qabqabtey dad ay ku soo eedeyeen inay ka dambeyeen qaraxii shalay lagu dilay gudoomiyihi degmadda X/jajab ee dawlada kmg ah.

Hawlgal ay maanta sameyeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada kmg ah ayaa lagu soo qabqabtey dad tiradooda lagu sheegey 12 ruux kuwaasi oo lagu sheegey inay ka dambeyeen qaraxii shalay lala beegsadey saraakil ka tirsanaa dawlada kmg ah ee soomaaliya oo ay qaarkood ku nafwaayeen qaraxaasi.

Masuul ka tirsan dawlada kmg ah ayaa sheegey inay dadkaasi soo qabqabteen isla markaasna ay lagu soo eedeyey inay lugu ku lahayen qaraxii shalay lagu diley gudoomiyihiin degmada X/jajab ee dawlada Kmg ah Shiikh Axmed Qoorleex halka uu dhaawac ka soo gaarey qaar kale oo badan.

Qaraxan shalay ayaa ahaa mid xoogan isla markaasna dhulka la galiyey,waxaana lala beegsadey gaari ay saarnayeen masuuliyiin dawlada kmg ah ka tirsan oo uu ka mid ahaa Axmed Qoorleex oo isagu ku nafwaayey qaraxaasi,waxaana dhaawacyo soo gareen saraakil kale oo ka tirsanaa hay'adaha kala duwan ee dawlada kmg ah ee soomaaliya.

Qaraxa shalay waxaa sheegtey inay ka dambeyeen Xarakada Alshabab oo dagaal adag kula jirta dawlada kmg ah ee soomaaliya & Ciidamada Amisom ee garabka siinaya,waxaana ay Alshabab sheegteen inay ayagu fuliyeen qaraxaasi iyagoo raaciyey inay sii wadi doonaan qaraxyada ay la beegsanayaan masuuliyiinta dawlada kmg ah.

Si kastey ahaataba,waxaa lagu wadaa dadkan ay maanta soo qabqabteen ciidamada dawladu in maalmaha soo socda maxkamad lagu soo taago magaalada Muqdisho,iyadoo ay saraakiil ka tirsan ciidamada dawladu sheegeen inay dadkan qaarkood yihiin dambiileyaal iyadoo aan wax maxkamad ah wali la taagin.

Ahmed Aadam Gacal

Muqdisho-Gedo-News

Gedonet.com@gmail.com

Просмотров: 1018 | Добавил: ilaaliye | Рейтинг: 0.0/0 |
Всего комментариев: 0
Бесплатный конструктор сайтов - uCoz
Календарь новостей
«  Март 2010  »
ПнВтСрЧтПтСбВс
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031
Форма входа
Поиск
Друзья сайта
Статистика

Онлайн всего: 1
Гостей: 1
Пользователей: 0