Понедельник, 29.04.2024, 00:53

 

I L A A L I Y E

URURKA  CALAMIGA  AH  EE  XUQUUQDA  AADAMAHA
ГлавнаяРегистрацияВход
Приветствую Вас, Гость · RSS
Меню сайта
Наш опрос
Оцените мой сайт
Всего ответов: 3
 
Главная » 2008 » Ноябрь » 11 » EU oo Hawlgal ka bilowday Somalia
EU oo Hawlgal ka bilowday Somalia
00:30
EU oo Hawlgal ka bilowday Somalia

Warbixinta Hawlgalka
Midowga Reer Yurub ayaa maanta ka bilaabay xeebaha waddanka Somalia hawlgal ay burcad badeeda Soomaalida uga hortagayaan.

 

Hawlgalkan oo loogu yeeray hawlgalkii Atlanta waxa ay ujeedadiisu tahay in lagu difaaco maraakiibta hey'adaha Qaramada Midoobay ee gargaarka u sida Somalia.

Hawlgalkan Midowga Reer Yurub ayaa waxa uu ka kooban yahay ugu yaraan toddobo maraakiibta dagaalka ah iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Waa hawlgalkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Midowga Reer Yurub ay sameeyaan.

Madaxweynaha KMG ah Somalia Cabdullaahi yusuf ayaa hadda ka hor waxa uu ku baaqay in beesha caalamku ay wax ka qabato burcadbadeeda Somalia.

Ruushka iyo NATO ayaa iyaguna mar hore halkaasi u diray maraakiib kuwa dagaalka ah.

Dhinaca kale dowladda Yemen ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay ciidamada caalamiga ah ee la soo dhigay Biyaha u dhexeeya Somali iyo Yemen si ay ula dagaalamaan bucad badeeda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Yemen Abu Bakr Al Qibri ayaa sheegay in joogitaanka ciiidamada ajnabiga ee gacanka Cadan ay qatar ku tahay nabadgelyada Carabta, isla markaana ay keeneyso in badda cas ay noqoto bad caalami ah.

Waxa uu ugu yeeray wadamada gobolka in iyagu ay la dagaalamaan burcadda oo ay ammaanka xoojiyaan, intii ay isku halayn lahaayeen caawinaad ajnabi.

Просмотров: 1303 | Добавил: ilaaliye | Рейтинг: 0.0/0 |
Всего комментариев: 0
Бесплатный конструктор сайтов - uCoz
Календарь новостей
«  Ноябрь 2008  »
ПнВтСрЧтПтСбВс
     12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
Форма входа
Поиск
Друзья сайта
Статистика

Онлайн всего: 1
Гостей: 1
Пользователей: 0